Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow na soo gaaray, ayaa sheegay in Agaasimihii Machadka Daraasaadka Heritage C/raxmaan Yuusuf Cali ”Caynte” uu iska casilay xilkaasi.
Is-Casilaada Ceynte, ayaa timid ka dib markii uu ka soo muuqday Golaha Wasiirada xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke oo iyadu maalmo jirsatay.
C/raxmaan Ceynte ayaa xiligaani ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga waana tan keentay inuu iska casilo xilka Machadka.
War Saxaafadeed uu soo saaray Machadka Heritage, ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu C/raxmaan Caynte ka codsaday inuu ku soo daro Golaha Wasiirada, taasina uu aqbalay C/raxmaan, markii uu wada tashi la sameeyay eheladiisa iyo asxaabtiisuba.
Nuqul kamid ah War-saxaafadeedka ayaa u qornaa “Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharmarke, ayaa 27-kii January wuxuu ka codsaday Agaasimaha Machadka Heritage C/raxman Caynte, inuu ku biiro Gole Wasiirro cusub oo uu soo yagleelay, kuwaas oo lagu soo xulay kartidooda iyo aqoontooda. Mr. Caynte ayaa aqbalay codsigaas, kaddib wadatashi uu la yeeshay asxaabtiisda iyo ehelkiisa. Waxaa loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamig ah. Markiiba, Mr. Caynte dhinac ayuu uga istaagay hoggaanka HIPS, sida uu qorayo sharciga HIPS. Guul ayaan u rajeyneynaa.”
Sidoo kale waxaa War-saxaafadeedka lagu yir “Agaasime Xigeenka Machadka, C/rashiid Xaahis ayaa si ku meel gaar ah u siin hayn doona xilka HIPS. Haddii Golaha Baarlamaanku ansixiyo wasiirrada cusub, Mr. Xaashi ayaa si rasmi ah ula wareegi doona hoggaanka HIPS, si ku cad sharciga HIPS, wuxuuna si qoto-dheer ula shaqeyn doonaa Golaha Sare, deeq-bixiyayaasha iyo hey’adaha kale ee jaalka la ah Machadka.”
Dhanka kale, Maamulka sare ee Machadka ayaa sheegay inay mahad gaar ah usoo jeedinayaan Agaasimaha is Casilay oo isagu howl muuqata qabtay inta uu xilkaasi hayay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho