Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku saxiixday hishiis muhiim u ah dowlada iyo dadka Soomaaliyeed, kadib markii Muqdisho ay yimaadeen wafdi ka socday ururka iskaashiga islaamka.
Siihayaha wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa dowlada Soomaaliya u saxiixay hishiiska lala galay ururka Iskaashiga Islaamka, kaasi oo lagu dhisayo safaarado badan oo dibada ku yaala.
C/raxmaan Ducaale Beyle, sii hayaha wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in hishiiskaasi uu dhigayo in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dhiso dhamaan safaadaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalka dibadiisa.
Wuxuu sheegay in wafdiga uu la kulmay ay ka aqbaleen dhismaha dhamaan safaaradaha dowlada Soomaaliya ay ku leedahay dalka dibadiisa, isagoo sheegay in arntaasi ay tahay guul usoo hoyatay dowlada Soomaaliya.
“Maanta waxaa saxiixay hishiis muhiimad noog fadhiya, walaalaheena ururka iskaashiga Islaamka waxay naga aqbaleen dhismaha dhamaan safaaradaha aan ku leenahay dalka dibadiisa”ayuu yiri wasiir Beyle.
Dowlada Soomaaliya ayaa sanadkii hore xirtay safaarado ku yaala dalka dibadiisa kadib markii ay awoodi weysay dhaqaalaha ku baxaya safaaradahaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

