Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Biixi Yoonis wasiirka Arimaha dibada maamulka Somaliland oo Magaalada Hargeysa kula hadlay Saxaafada madaxbanaan, ayaa sheegay in DF Somalia ay marba marka xigta ka waacato Heshiisyadii ay la galeen.
Waxa uu sheegay in mar waliba ay DF Somalia si kam ah uga talaabto Qodobadii ay kula heshiiyeen intii lagu guda jiray shirarkii ka kala dhacay Ankara iyo Jabuuti.
Wuxuu Tilmaamay inay ka caga jiideyso in Heshiis waliba laga qeybgaliyo Dowladaha dariska la ah Somalia si ay ula socdaan wada-xaajoodka iyo qodobo waliba ee lagu heshiiyo.
Sidoo kale, waxa uu Maxamed Bixi Yoonis wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland sheegay in arrintaasi uu kala hadlay wafdi ka socday guddiga arimaha dibada ee Barlamaanka Yurub waxana ay kawada hadleen aqoonsiga ay Somaliland ay doonayso in ay ka go’do Somalia inteeda kale.
Biixi waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in ay jiraan wadamo joogitaankooda muhiim uu yahay in ay ka qeyb qaatan wada hadalada,waxa uu xusay dalal ay ku jiraan UK, UAE, Denmark, Sweden iyo wadamada ku jira IGAD iyo Midowga Yurub.
Waxa uu muujiyay sida ay u daneenayaan in wadamada wada hadalka lagu soo daro waxana meesha uu ka saaray in DF Somalia ay kaligeda xaqiijin karto waxyaabaha la isku hayo si horey loogu socdo.
Dhanka kale, Wasiir Biixi waxa uu carabka ku dhuftay inuu walaac ka muujinayo wada-hadalada labada dhinac waxana uu eedeyey dowlada uu sheegay in iyadu ay daba dheerenayso wada-hadalada.
Wada hadalada soo socda natiijada Somaliland ay filayso ayaa waxa uu biixi tilmaamay inay tahay in labada dal ay kala noqdaan Dowladda iyo Somaliland.
Wasiir biixi ayaa xusay in Dowladda ay diiday ayna ku faraxsaneyn dowladaha caalamka iyo kuwa gobolka in ay korjoogto ka noqdaan wada-hadalada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

