29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Faarax Cabdulqadir oo diyaariyey shiqrool ka dhan ah Ceydiid Ilka-Xanaf

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan iyo Faarax Sheekh Cabdulqaadir ay wadaan Qorsho ay xilka uga qaadayaan Garyaqaan Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka.

Shirqolka xilka looga qaadayo Ilka Xanaf ayaa la sheegayaa inuu wado Faarax C/qaadir oo taageero ka helaaya dhanka Madaxweyne Xassan Sheekh oo dhowr jeer ay kusoo laalaabatay arrintaani.

Arrintaani ayaa waxa ay daba soctaa buuqii ka dhashay Xil ka qaadistii lagu sameeyay Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka, waxaana hadda la diyaarinayaa dadaalkii xilka looga qaadi lahaa Garyaqaan Caydiid C/laahi Ilka Xanaf.

Ujeedka ayaa lagu sheegay mid ay Damu-Jadiid ku xoojinayso qabsashada xilalka ugu muhiimsan DF Somalia, maadaama leysaga daba yimid Wasiiradii badnaa oo ay ku lahaayen Golaha Wasiirada.

Dhanka kale, arrintaani ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili maalinimadii shalay uu Ilka Xanaf sheegay in Boqolaal Muwaadiniin ah ay si maalaayacni ah ugu xiran yihiin Xabsiyada dalka, islamarkaana Wasaarada Cadaalada aysan war u heyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News