32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ethiopia oo DF ku cadadineysa in laba mas’uul lagu daro golaha WASIIRADA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo dhanka Villa Somalia ayaa sheegaya in Dowlada Ethiopia ay Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ku cadaadineyso in Xukuumada cusub ee Somalia lagu soo daro qaar ka mid ah xubnihii la soo shaqeeyay Xukuumadii C/weli.

Dowladda Ethiopia ayaa dalbaneysa in Xukuumada Cusub ay ka dhexmuuqdan Wasiiradii hore sida Faarax C/qaadir iyo Sambaloolshe, oo ah rag si aad ah ula shaqeeya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Labada Mas’uul ee dalka ugu sareyso looga digay in wixii intaan ka badan ay ka tala qaataan BF Somalia, oo ay Dowlada Ethiopia ku sheegtay inay dalka galinayaan dhowrkii sano ee uu soo maray.

Dhanka kale, xildhibaanada baarlamanka ayaa Dowlada Ethiopia ku eedeeey inay faragalin adag ku heyso Xukuumada cusub islamarkaana ay si gaar ah u wadato shaqsiyaad gaar ah oo inta badan ay ka hor imaaden Xildhibaanada.

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan inay u badan tahay in Faarax iyo Sambaloolshe lagu soo daro golaha wasiirada cusub, islamarkaana xildhibaanada diidan la siinayo 10 wasiir si loo qanciyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News