Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiqaasim Salaad Xassan oo ah Madaxweynihii hore ee Somalia, ayaa sheegay in DF Somalia looga baahan yahay inay xakameyso tiro badnida Maamul Goboleedyada dalka oo faraha kasii baxaya.
Cabdiqaasim waxa uu sheegay in maamulkii la dhisaaba uu u dhaqmaayo qaab aan mudneyn inay u dhaqmaan maadaama uu yiri dalka Somalia uu leeyahay hal dowlad wixii kasoo haraana uu noqon karo Maamul Goboleed hoostaga DF Somalia.
Wuxuu tilmaamay in ay jiraan Madaxweyneyaal Maamul Goboleed oo aan u dhaqmin sida Maamul Goboleedyada oo kale balse ay isku haystaan in ay yihiin Dowladda Madax banaan, taasina ay caqabad ku tahay Hanaanka Siyaasadeed ee Somalia.
Sidoo kale, Cabdiqaasim ayaa ficiladaasi oo idil ku sheegay inay yihiin kuwo kala geyn kara Bulshada Soomaaliyeed, maadaama qaarkood looga sheekeeyay inay yihiin Maamul aan ka talo qaadan DF Somalia.
Wuxuu intaa ku daray in Arrintaasi ay mar kale kala fogeyn karto xariirka DF Somalia iyo Maamul Goboledyada Dalka ka jira iyo kuwa la dhisi doono intaba.
Waxa uu ka digay in DF Somalia ay awood u yeelan weyso habdhaqanada Maamulada iyo la socodkooda si meesha looga saaro cabashooyinka ay hawada u marinayaan DF Somalia.
Wuxuu soo jeediyay in Dastuurka Dalka u yaala loo qaado Afti dadweyne islamarkana dadka lagu Baraarujiyo in ay u Codeeyaan Dastuurka Dalkooda si looga baxo Dhibaatada dheeraatay ee Dalka ka jira.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

