26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Gen Antonio Maggi oo Somalia loo soo magacaabay iyo diyaarinta cutubyo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – General Antonio Maggi oo u dhashay dalka Talyaaniga, ayaa waxaa si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha Ururka Midowga Yurub, ee tababarada siiya Ciidamada Dowladda Somaliya.
Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Ururka Midowga Yurub, ayaa si rasmi ah u magacaabay Sarkaalka u dhashay dalka Talyaaniga.

Warbixin uu soo saaray Guddigaasi, ayaa waxaa lagu sheegay in General Antonio Maggi uu xilkaasi 8-da bisha Maarso kala wareegi doono Massimo Mingiardi, oo xilkaasi soo haayay muddo 15 bilood ah.

Midowga Yurub, ayaa sanadkii 2010-kii bilaabay tababarada uu siiyo Ciidamada Dowladda Somalia.

Tababarada waxaa xilligaa lagu siin jiray dalka Uganda, waxaase loo soo wareejiyay Somaliya, muddo 14 bilood laga jooggo.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ururka Midowga Yurub uu tababar u fidiyay in ka badan afar kun, oo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Somaliya. Tan iyo markii la bilaabay bixinta tababaradaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News