Xog xasaasi ah: Sababta Gen Qeybdiid looga reebay shirka madaxtooyada !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hoggaansamay dalab uu u jeediyey Cabdi Weli Gaas, si shirkii Muqdisho ee maamul goboleedyada aan looga qeyb gelin maamulka Gal-Mudug, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Xasan Sheekh oo shirka Muqdisho isugu yeeray madaxda saddex maamul goboleed ayaa ka tagay madaxweynaha Gal-Mudug Cabdi Qeybdiid, waxaana jiray su’aalo badan oo ka dhashay sababta Qeybdiid looga reebay shirka.

Si kastaba, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Cabdi Weli Gaas uu Xasan Sheekh ugu hanjabay in haddii uu casuumo Qeybdiid uusan isna shirka iman doonin, taasi oo Xasan Sheekh uu aqbalay.

“Madaxweynaha waxaa qabatay inuu kala doorto Qeybdiid iyo Gaas, wuxuuna doortay Cabdi Weli Gaas” ayuu yiri ilo-wareed ku sugan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online.

Sidoo kale General Qeybdiid oo isna la hadlay BBC-da ayaa si sarbeeb ah u sheegay in Xasan Sheekh uu u hoggaansamay amarka iyo hanjabaadda Gaas.

“Waxa kaliya ee shirkaas na looga rabay waa rag aan is hayno oo Xasan Sheekh ku amray inaan nalaga qeyb galin, isna wuua aqbalay” ayuu yiri Qeybdiid.

Tallaabada Xasan Sheekh, ayaa waxaa aad uga carrooday shacabka Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com