28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

DAGAAL KA DHACAY BELED-WEYNE

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa wali dagaal xoogan uu ka socdaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhaxeeya maleeshiyaad hubeysan oo wada dega magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka socdo xaafada dhanka galbeed ee magaalada Beledweyne, waxaana uu u dhaxeeyo labo beelood oo wada magaalada Beledweyne.

Inta la hubo hal ruux ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalka uu socdaa muddo ku dhow hal saac, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana laga baqayaa in waxyeelada ay intaasi ka badato.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in ciidamada Jabuuti ay hadda wadaan qorshe ay ku kala dhax galayaan dhinacyada dagaalamay oo ku sugan magaalada Beledweyne.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News