Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Soomaaliya uu tagi doono magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo la filayo inuu kula kulmo madaxda gobolkaasi.
Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa si hordhac ah kaga sii hormarayo wafdi ka tirsan dowlada Soomaaliya, kuwaasi oo usii gogol xaaraya wafdiga madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in magaalada Dhuusomareeb ay tagaan wafdi uu hogaaminayo Mahad Maxamed Salaad, wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya iyo ciidamo amaanka magaalada xaqiijiya.
Waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Dhuusomareeb ku sugan masuuliyiin ka tirsan maamulka dowlada Soomaaliya ee gobolka Galgaduud, si ay usoo dhaweeyaan wafdiga hordhaca u ah madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la qorsheyanayaa inuu sidoo kale madaxda uu la kulmayo uu kala hadlo arimaha maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Waxaa saacad kadib garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka duulayawafdiga masuuliyiinta dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayo Mahad Maxamed Salaad.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

