27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“Xukuumadda waan rideynaa maanta, waxaa isku raacay xildhibaano dhan…”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Bishaar Ugaas oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabaha laga filan karo maanta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, maadaama la horgeynayo golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn qaabka loosoo xulay golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya, isagoo sheegay inay taasi shaki kale ay keeni karto haddii la horkeeno golaha wasiirada.

Wuxuu sheegay inay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaano badan oo gaaraya 120 xildhibaan oo baarlamaanka ka mid ah kuna midoobay siduu sheegay ansixin la’aanta golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

“Maanta waxaan kuu sheegayaa mala ansixin doono golaha wasiirada, waan kasoo horjeednaa xalayna kulan ayaan yeelanay oo arintaasi aan kaga hadleyno, sababtoo ah dadka kuma qanacsana”sidaasi ayuu yiri xildhibaanka.

“Waxaan nahay xildhibaano badan oo arintaan ku mideysan mana ogolaan doono wax aysan raali ka aheyn shacabka Soomaaaliyeed, waxaana gaaraynaa 120 xildhibaan”ayuu markale yiri xildhibaanka.

Maanta ayaa golaha wasiirada la filayaa in la horgeeyo golaha baarlamaanka Soomaaliya si ay u siiyaan codka kalsoonida, islamarkaana xukuumada ay u bilowdo shaqada hortaalo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News