26 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Xog: Wasiirkii haweenka oo ku kacday fal ka yaabiyey VILLA SOMALIA shalay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-haya wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shalay sameysay xil wareejintii ugu horeysay ee xukuumadda cusub kadib markii ay ku dhaqaaqday arrin la yaab ah oo keentay in si aan la qorsheyn degdeg xilka looga wareejiyo.

Xil wareejinta wasiiradii hore oo loo xilsaaray guddi uu madax u yahay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa la qorsheeyay inay bilowdaan maalinta Sabtida 14-ka Febraayo iyadoo maalin kasta loo qoondeeyay inay shan wasaaradood xilalka la wareegaan.

Qorshahaasi waxaa ka biyo diiday Khadiijo Maxamed Diiriye oo dalbaday inay diyaar tahay oo degdeg xilka looga wareejiyo shalay oo Khamiis ahayd, waxayna ku adkeysatay arrintaasi.

Tallaabadan wasiirada hore ayaa keentay in xil wareejin aan la qorsheyn ka dhacdo wasaarada haweenka xilkiina ay la wareegtay Sahra Maxamed Cali Samatar iyadoo aan la ogeyn waxa kalifay arrintani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News