25.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

AMISOM oo dad shacab ahaa leysay !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay Ciidamada AMISOM ku toogten dad rayid ahaa.

Wararku waxa ay sheegayan in Ciidamadaasi ay toogteen ilaa 6 ruux oo la sheegay inay ahaayen shacab, kadib markii la sheegay inay uga shakiyeen falal amni daro.

Xiliga dadkaasi la tooganaayay ayaa la tilmaamayaa in meesha lagu toogtay meel aan ka fogeyn lagula eegtay Qarax miino.

Goobjooge Marka ku sugan ayaa u sheegay warbaahinta in Ciidamada AMISOM ay dadkaasi mar qura ku huwiyeen rasaasta oo aheyd min aan loo meeldayin, hayeeshee ay sababtay deerida Lix ruux oo wada socday.

Ma ahan markii u horeysay oo AMISOM ay rasaas ay ridaan ay ku dhintaan Dad rayid ah, iyadoo horay dilal bareer ah uga geystay Marka sida ay sheegeen Dadka Deegaanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News