29.1 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Sawirro: Beesha CAYR oo ka hadashay dagaalka ka socda gobolka G/Gaduud

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Kulan ka dhacay Magaalada Nairobi loogana hadlay Colaada ka taagan Xarunta Ganacsiga Gobolada dhexe ee Guriceel, Sawiro..

Waxaa magaalada Nairobi ka dhacay kulan si wayn loo soo Qaban qaabiyay loogana hadlayay xaaladaha Gobolada dhexe gaar ahaan Magaalada Guriceel iyo Xarunta Gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb.

Kulankaan oo ahaa mid ah ka soo Qeybgaleen Waxgaradka ka soo Jeeda Guriceel iyo dhuusamareeb ayaa looga hadlay Dagaalada ka soo Cusboonaaday Gobolka iyo sidii loo joojin lahaa Dagaalkaas.

Kulankaas ayaa waxaa laga soo saaray baaq ku aadan Joojinta Colaada ka socota Degmada Guriceel oo ah Xarunta Ganacsiga Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

U Jeedo: Warsaxaafadeed ay soo sareen Jaaliyada beesha Cayr ee East Africa-..

Anigoo ku hadlaya Magaca jaaliyada Beesha Cayr iyo Hogaanka Beesha ee Ast afrika

U JEEDO Baaq Nabadeed

Ku Socoto: Waxgaradka Gobolada Dhexe ee ku sugan Gobolka
KuSocoto: Dhinacyada Dagaalamaya
Ku socoto: Dhalinyarada ku nool Goobaha lagu dagaalamayo
Kusocoto: Dowladda federaalka Soomaaliya
Kusocoto: Beesha Caalamka
U Jeedo: Fariin Nabadeed oo loo dirayo Gobolada Dhexe

Kulan ay isugu yimaadeen Jaaliyadda ku sugan East-Africa waxey ka hadleen xaaladihii uggu danbeeyay ee kasoo cusboonaadey Gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalada Guriceel, oo xiligan ah xarunta ganacsiga Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, oo maalmihii uggu danbeeyay ay ku dagaalamayeen laba dhina.

Dagaalkaas oo geystay qasaare badan, waxaan si deg deg ah ugga codsaneynaa dhinacyada ku dagaalamaya halbowlaha gobolka iney dagaalka si Deg deg ah u joojiyaan ayna qaataan talooyinka ay soo jeedinayaan waxgaradka ku sugan gobolka.

Qodobada laga soo saarey kulankan oo ah baaq Talo iyo waano waxaa laga Codsanaya dhinacyada ay Qusayso in ay qaataan Qodobada Hoos ku Qoran qaataan

1- In Dagaalka si deg deg ah loo Joojiyo shuruud la’aan

2- In la kala qaado Ciidamada is hor fadhiya sida ugu Fudud

3- In shacabka loo turo lagana daayana xabadda

4- In la qaato waan waanta ay wadaan waxgaradka Gobolka ee uu horkacayo Ugaaska.

5- in dhinacyada dagaalamaya aysan isticmaalin Warbaahinta si Colaada aan loo sii Hurin.

Wabilaahi Towfiiq

Jaaliyada Beesha ee East afrika

cayr (1)cayr (2)cayr (3)cayr (4)cayr (5)cayr (6)cayr (7)cayr (8)cayr (9)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News