30 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Puntland oo si xatooyo ah ku baareysa shidaalka Dharoor (DFS oo aan ogeyn)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Puntland ayaa iyadoo kaashaneysa sharikad Canadian ah waxaa ay xatooyo ku baaraneysaa shidaalka iyo kheyraadka lagu tuhmayo dooxada Dharoor ee gobolka Bari.

Sharikadda shidaalka baarta ee Horn Petroleum ee dalka Canada ayaa waxaa ay si aysan ka warqabin DF Somalia shidaal baaris aan sharci aheyn uga wadaa deegaanada Puntland, waxaana ay qalabkeeda baarista shidaalka geysay dooxada Dharoor ee gobolka Bari, halkaas oo ay si qarsoodi ah uga billowday baarista shidaalka lagu tuhmayo dhulkaas.

Wasaaradda macdanta iyo petrol-ka Somalia ayaa waxaa ay iyadu sheegtay in aysan sharikaduhu heshiis la geli karin maamullada gobollada, taas bedelkeedana laga doonayo in ay soo maraan dowladda dhexe, si ama loogu ogolaado ama loogu diido.

Wasaaradda waxa ay ku adkeysatay in heshiis sahmin ah aysan geli karin sharikadahaas iyo maamullada gobollada.
Dowladda waxa ay sheegtay in aysan maamullada gobolladu laheyn xuquuqda heshiis ay si toos ah ula soo galaan dowlad kale waxaana ay shaaca ka qaadday in ay dowladdii shirkad ay leedahay imaaneyso dalka ay tahay in ay lasoo xiriirto dowladda dhexe ee dalka maadaama aaney dowladdu hadda KMG aheyn.

Si kastaba, ayada oo dhowr shirkad ay horey u joojiyeen shidaal sahmintii Puntland, ayaa haddana maamulkaas waxa uu heshiisyo cusub oo qarsoodi ah la galayaa shirkado kale, ayada oo arrintan laga qarinayo dowladda federaalka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News