Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Marekanka ayaa markii ugu horreeysay ka hadashay qorshe la sheegay in lugu xirayo xawaaladaha Soomaalida ee dalka, balse waxaa ay iska fogaysay xukuumadda Washington ay amartay arrintaas.
Bankiyada Mareykanka ayaa dhawaan sheegay inay xiriirka u jarayaan xawaaladaha Soomaalida ee la marin jiray lacagaha ku socda Soomaalida ku nool gudaha dalka, taasoo siyaabo kala duwan ay uga hadleen xildhibaanno Mareykan ah.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka Jen Psaki oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay aad uga welwelsan yihiin joojinta lacagihii Soomaaliya loo dirayay.
“Walaac weyn ayay nagu heysaa joojinta lacagaha loo diri jiray Soomaalida ku dhibaateysan dalka gudihiisa” ayay tiri Psaki oo sheegtay inay arrintaasi kala hadlayaan madaxda jaaliyadaha Soomaalida Mareykanka iyo Bankiyada joojiyay lacagaha.
Psaki waxaa ay sheegtay in dowladda Mareykanka ay si rasmi ah u billaabayso dadaallo dib loogu fasaxayo xawaaladaha Soomaalida inay lacagaha u diri karaan Soomaaliya, si ay dadka gudaha ku nool u helaan biil ay noloshooda ku maareeyaan.
Warkan ka soo baxay dowladda Marekanka waxuu ku soo aadaya xilli dhawaan Qaramada Midoobay ka hadashay saameynta ay yeelan karto in la xiro xawaaladaha Soomaalida.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

