26.5 C
Mogadishu
Saturday, July 19, 2025

“Adeer xasiloonida gacanteenna ayay ku jirtaa cidna uguma aaba yeeleyno”..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xuseen Salaad oo kamid ah Saraakiisha Ahlu sunna wal-jameeca ee Gurceel, ayaa sheegay in dagaal waliba oo ka dhaca Gurceel usan saameyn ku yeelan doonin Siyaasada ay ku maamulayaan deegaanada ay ka arimiyaan.

Xuseen Salaad waxa uu sheegay in xiligaani xasiloonida Guriceel ay tahay mid ku jirta gacantooda, islamarkaana ay iyaga ka go’do sii wadida dagaalka iyo joojinta.

Waxa uu tilmaamay inaysan jirin cid gaar ah oo ay kala xaajoonayan dagaalka ka soconaya Gurceel islamarkaana xalka dagaalkaasi uu Ahlusunna u yaal sida uu sheegay.

”Adeer ahlu sunna wey ka go’an tahay inay iska celiso dowlada, joojinta dagaalka iyo xasiloonida cidna kalama tashan doono, gurceelna anaga ayay noo dambeyn doontaa”

Dhanka kale, Haddalka Sheikh Xuseen Salaad ayaa imaanaya xili labadii maalin ee la soo dhaafay uu dagaal ka socday Magaalada Curceel, iyadoona halkaasi ay ku dagaalamayeen Ciidamada DF iyo kuwa Ahlu sunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News