Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan oo laga helaayo Villa Somalia ayaa sheegaya in wasiirada cusub ee xukuumada Somalia ay caqabad weyn ay ka heysato dhanka wasiiradii hore.
Waxa ay sheegen in wasiirada badankooda ay ka caga jiidayaan inay wareejiyaan xilalka wasaaradaha, islamarkaana ay yihiin kuwo ku andacoonaayo dhameystirka howlo qabyo u ah.
Wasiirada ayaa arrintaasi u gudbiyay Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka, waxa uuna Cumar Cabdirashiid dhamaan wasiiradii hore ku war galiyay inay si dhaqsi ah isaga wareejiyaan xilka ay hayaan,sida ilo xog ogaal ah ay sheegeen.
Cumar Cabdirashiid oo dacwadaasi la gaarsiiyay ayaa waxa uu farta ku goday inaysan jirin cid si kam ah u heysan karta xilka, maadaama usan aheyn mid gaar loo leeyahay islamarkaana yahay xil qaran.
Waxaa hadda qorshaha uu yahay in maalin kasta la wareejiyo ugu yaraan shan wasaaradood.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

