25.3 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Cabdi Qeybdiid oo xil sare laga siinayo DFS ayada oo looga beddelanayo in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Damujadiid ayaa haatan wada isku daygeedii ugu xooganaa oo ay ku doonayaan sidii ay awooda dalka dib ugu qabsan lahaayeen is bedelka la filayo inuu dalka kadhaco sanadka 2016-da.

Damujadiid ayaa gorgortan kula jirta Gen. Cabdi Qeybdiid iyaga oo usoo bandhigay Qeybdiid inuu qaato Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya, jagadaan bedelkeedana uu ka tanaasulo Musharaxnimada Maamulka Gobolada dhexe ee Soomaaliya isla markaana uu taageeraa Musharaxnimada Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kooxda Damujadiid la dooneyso inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo aan isku haleyn karin taageerada uu ka heli karayo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubaland iyo Koofur Galbeed ayaa haatan go’aansaday inuu awoodiisa isugu geeyo sidii labada maamul ee harsan lana filayo in laga dhiso sanadkaan guduhiisa Mudug/Galgaduud iyo Hiiraan/Shabeelaha Dhexe State inuu madaxweynayaal uga dhigo masuuliyiin isaga ku xiran oo ka tirsan Damujadiid, Masuuliyiintaa oo uu ka mid yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xasan Sheekh oo ku fashilmay inuu wasiir kadhigo ayaan la ogeyn sida uu ugu guuleysan karayo inuu Madaxweyne kadhigo Guuleed.

Isku soo duube Kooxda Damujadiid oo ka mashquulsan sidii ay mar labaad xukunka u qabsan lahaayeen sanadka 2016-ka ayaan ku tusaale qaadan sida Soomaalidu ayna marnaba usoo dooran mar 2-aad masuuliyiinta xukunka soo hayey ee fashilmay sida horeyba ugu dhacday Kooxdii Aala Sheikh ee uu hogaaminayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News