32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ergooyinka MUDUG iyo Gal-Gaduud oo laba u kala jabay yo shirkii oo laga…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la filaayo in maamul loo sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, ayaa waxaa arrintaasi durbadiiba ku kala qeybsamay Odayaasha kasoo kala jeeda goboladaasi.

Nabadoon Yuusuf Warsame Ducaale oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta ee degmada Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shirka la filayo in dhawaan uu ka furmo degmada Cadaado.

Waxa uu sheegay in isaga iyo dhowr Odayaal shirkaasi ka balansan, aysan tagi doonin shirka Cadaado, kadib markii uu sheegay in Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh maxamuud ay ku wargaliyeen inaysan ka qeybgali doonin shirka Cadaado, waa haddii uu halkaasi ka furmi doono.

Waxa uu Tilmaamay inay isla arkeen in shirka lagu qaban doono Cadaado uusan waxtar u laheyn, islamarkaana amaanka halkaasi uu yahay mid aan leysu haleynkarin.

Sidoo kale, Nabadoon Yuusuf waxa uu Carabka ku dhuftay in dhamaan Odayaasha dhaqanka ay ku sugan yihiin degmada Dhuusa-mareeb DF Somalia-na looga baahan yahay in madasha shirka ay kasoo wareejiso Cadaado.

Dhanka kale, Cusmaan Aadan oo isna ku sugan Degmada Cadaado, ayaa sheegay in Odayaasha ay u bisil yihiin inay shirka uga qeybgalaan Cadaado haddii ay dhacdo in shirka loo wareejiyo degmada Dhuusa-mareeb aysan ka qeybqaadan doonin, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in badi Odayaasha ay joogan Cadaado loona baahan yahay in la tixgaliyo hadalka Madaxweyne Xassan.

Dhawaan ayay aheyd markii Wafdi uu hogaaminaayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay gaareen degmada Dhuusa-mareeb islamarkaana sheegen in degmada Cadaado lagu qaban doono shirka lagu dhisayo maamulka gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, kaasi oo horay loogu heshiiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News