Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in goor dhow uu halkaasi gaaray Taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti Sakariye Sheekh Ibraahim iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hogaaminayo.
Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa kamid ahaa Saraakiil ciidan oo ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga Jabuuti, waxaana garoonka Beledweyne kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Saraakiil ciidan.
Taliyaha iyo Saraakiisha ayaa la filayaa ay indha indheeyaan xarumaha Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.
Dhanka kale, waxaa hadda Baladweyne ka socta munaasabado lagu soo dhaweynaayo taliyaha iyo wafdigiisa, waxaana la filayaa in goor dhow uu warbaahinta uga warami doono socdaalkiisa shaqo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

