Gudiga Somaliland u qaabilsan wada-hadalada dowladda Somalia oo shiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku kulmeen gudigii Maamulka Somaliland u qaabilsanaa wadahadaladii ay kula jireen DF Somalia.

Shirka oo ka dhacay xarunta Waasaarada arimaha dibeda Somaliland, ayaa waxa ka soo qayb galay gudida Somaliland u qaabilsan wadahadalada ay kula jirto DF iyo xubno ka socday Madaxtooyada maamulka.

Kulankaani oo mudo Saacado ah Socday oo aan loo ogolaan Saxaafada ayaa markii uu soo dhaamaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arimaha Dibada Maamulka Somaliland Maxamed Bixii Yoonis waxaana uu sheegay in kulanka ay kaga hadleen sidii Labada dhinac u kala guran lahayeen, isla markaana ay gudi ahaan udiyaarin lahaayeen ajandaha ay latagayaan shirka lafilayo in uu ka dhaco dalka Turkiga.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Waxa kale oo uu sheegay in lagu gorfeeyey sidii looga hadlilaa waxa ka fulay qodobadii hore loogu heshiiyey oo ay ka mid ahayeen deeqaha caalamiga ah iyo hawada.

Dhanka kale, muranka ugu badan ayaa waxa uu iminka ka taagan yahay maamulida Hawada Somalia, iyadoo dhawaan lafilaayo in lagu dhiirado arimaha masiiriga ah oo Labada qoloba danaynayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com