Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Ceeri Gaabo ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay halkaasi ku weerareen Mas’uuliyiin ka tirsanaa gobolka Sanaag.
Mas’uuliyiinta weerarkaasi qorsheysnaa lagu qaaday ayaa waxaa kamid ahaa Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax gudoomiyihii hore ee gobolka Sanaag oo dhawaana loo bedelay Gobolka Awdal, iyadoona uu wehliyay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay.
Dableyda ayaa weerartay Mas’uuliyiinta iyagoo kusii jeeda deegaanka ceeryaanle ee gobolkaasi sanaag, hase yeeshee ciidamo Boolis ah oo ilaalinayay Mas’uuliyiinta ayaa gacanta ku dhigay afar ka mid ah ragii falkaasi ku kacay oo la sheegay in ay ku hubaysnaayeen Qoryaha AK iyo Baskoolado.
Dableyda Gacanta lagu dhigay ayaa ciidamada Booliska ee gobolka sanaag ay Su’aalo waydiinayaan waxaana ay sheegen in ay war rasmi ah kasoo saari doonaan.
Saraakiisha Ciidamada ayaa iyagu ka shakisan in Kooxda weerarka qaaday ay yihiin Maleeshiyaad taabacsan Hogaamiyaha Jabhada Mucaaradka Maamulka Somaliland ee ka dagaalanta Buuraha Awdal.
Arrintani ayaa lagu tilmaamay mid ugub ku ah dhinaca amaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]