Jig-Jiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ku maraya dalka Itoobiya ayaa lagu soo dhoweeyay dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo uu ku dhaanteeyay.
Shariif Xasan oo soo dhoweyn heer sare ah oo ku saleysan dhaqanka dhulkaasi loogu sameeyay Jigjiga ayaa waxaa loo tumay dhaantada oo deegaanadaasi caan ku tahay, sidoo kale waxaa lagu soo dhoweeyay Hal irmaan ah inuu liso, caanaheedaba cabo.
Booqashada Shariif Xasan ayaan la ogeyn, waxa ay salka ku hayso, hase ahaatee waxaa idiin ballan qaadeynaa inaan idiin soo gudbino wararkeena danbe.

