31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dagaal qaraar oo ka dhacay Sh/hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal khasaaro kala duwan geystay ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Qoryooleey.
Cumar Maxamuud Cilmi Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada Maamulka Sh/hoose, ayaa sheegay in Dagaalka uu daba socdo dagaalo maalmo ka hor ka dhacay Gobolka waxa uuna tilmaamay inuu ka dhashay Khasaaro baaxad weyn.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Dadka ay kasoo sheegteen Dadka Shacabka ah oo uu ku tilmaamay Burcad.

Wuxuu sheegay in dagaalkaasi ay ku nafwaayen ilaa 8-ruux oo isugu jiray garabyada uu dagaalka u dhexeeyay iyo dad shacab ah.

Dhanka kale, waxa uu carabka ku dhuftay in Maamulka usan u arxan fali doonin cid waliba oo isku dayda inay carqaladeyso amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News