Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa dab xoogan uu ka kacay kaalin shidaal oo ku taala isgoyska Black sea ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxyaabaha keenay dabkaasi.
Gudoomiyaha degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dadkaasi uu geystay qasaaro hantiyadeed, laakiin uusan jirin waxyeelo soo gaartay dadka halkaasi ku sugan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in wali dabka uu socdo laakiin ay joogaan gaadiidka dab damiska oo maamulka gobolka Banaadir iyo gaadiidka ay leeyihiin shirkadaha sida gaarka loo leeyahay.
“Waxaan garan karnaa inuu qasaaro badan geystay, oo guri cusub oo ku faahfaahay, goob shidaal lagu gado ayuu ka kacay, hanta wey ku baaba’day laakiin dhimasho ma jirto”ayuu yiri gudoomiyaha degmada Howlwadaag.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in faahfaahin dabkaasi ay ka bixin doonaan marka uu soo dhamaado la tacaalida dabkaasi, iyadoo guryo horleh uu gaarayo goobo cusub oo goobta ku yaala.
La soo waxii soo kordhaa Insha allah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

