28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Xog: IGAD, EU, UN iyo xubno ka socda DF SOOMAALIYA oo Kismaayo tagaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa socda qorshaha dhameystirka soo xulista xubnaha baarlamaanka ee maamulka Jubba ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Madoobe.

Caasimada Online ayaa ogaatay in la qorsheynayo in xaflad weyn loo sameeyo dhameystira dhismaha maamulkaasi oo ay ka dhiman yihiin xubnaha baarlamaanka maamulkaasi.

Waxaa la qorsheynayaa in xafladaasi ay ka qeyb galaan madax ka socota beesha Caalamka iyo xubno matali doona dowlada federaalka Soomaaliya, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka warfaafinta Jubba.

Geele Maxamed Aadan, ayaa sheegay in xafladaasi dhawaan lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, isagoo xaqiijiyay in madax badan ay ka qeyb gali doonaan.

Waxaa warar hoose ay sheegayaan in madaxweynaha maamulka Puntland uu qeyb ka yahay dadka lagu casuumay inay xafladaasi ka qeyb galaan, iyadoo shalay uu tagay magaalada Kismaayo.

Hoos ka dhageyso Geele Maxamed Aadan oo arimahaasi ka hadlaya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News