Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beesha Wacbuudhan ee ku abtirsata beel weynta Abgaal Cusmaan.
Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan booskii uu ka dhintay AUN Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug) oo ku geeriyooday qaraxii Hotelka Central ee Muqdisho ka dhacay.
Shirka beesha Wacbuudhan ay maanta ku yeelatay Muqdisho, ayaa waxgaradkii ka hadlay waxay soo gudbiyeen in kursigii Baarlamaanka ee uu ka geeriyooday Cumar Furdugu ay beesha garatay in loo magacaabo walaalkiis oo lagu magacaabo Qaasim Cali Nuur.
Nabadoon Cadde Abshir Gude oo ka tirsan odayaasha dhaqanka beesha Wacbuudhan isla markaana ka mid ahaa 135-Oday dhaqameed ee soo magacaabay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in aay beesha isku raacday in uu yahay maanta wixii ka danbeeyo Xildhibaan Qaasin Cali Nuur laguna badalay walaalkiis Cumar Cali Nuur Furdug oo dhawaan ku geeriyoday qarax ka dhacay Muqdisho.
Dhinaca kale odayaasha dhaqanka beesha Wacbuudhan ayaa ugu baaqay Guddoonka sare ee Golaha Baarlamaanka inay kursiga uu ka geeriyooday Cumar Furdug ay u magacaabaan walaalkiis Qaasim Cali Nuur, sida uu dhigayo dastuurka Golaha Baarlamaanka.
Mid ka mid ah nabadoonada goobta ka hadlay ayaa sheegay in sidaan oo kale horey loogu badalay Xildhibaano ka baxay barlamaanka Soomaaliya, walahooda iyo wiilaashooda.
Tusale Xildhibanada geeriyooday ee lagu badalay ehelkooda Akhriso
1 – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd Beesha – Shanaad
2 – Xildhibaan Faysal Warsame Maxamed – Beesha Shanaad
3 – Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed – Beesha Mudulood
4 – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade – Beesha Digil Iyo Mirifle
5 – Xildhibaan Sheikh aadan madeer – Beesha Digil iyo Mirifle
Intaas aan kor ku soo xusnay waa inta ay badaleen ilmahooda.
1 – Xildhibaan Saleeban Colaad Rooble – Beesha Shanaad
2 – Xildhibaan Mustafa Xaaji Maxamed – Beesha Shanaad
3 – Xildhibaan Saado Cali Warsame – Beesha Daarood
Intaasna waa inta lagu badalay walaalahooda
1 – Shariif Xasan Sheikh Aadan – Beesha Digil Iyo Mirifle
2 – Maxamed Qanyare Afrax – Beesha Hawiye
Intaasna waa inta ayaga oo nool lagu badalay ilamhooda
Sidaa darted waxaa aay odayaasha dhaqanka Beesha Wacbuudhan ka codsadeen Gudoonka Baarlamanka in ay beesha isku raacday In Qaasin Cali Nuur badalo walaalkiis Cumar Cali Nuur.











Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

