Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Golaha Wasiirada Jarmalka ayaa lagu sheegay in Dowladu ay kordhineyso Wakhti joogista Ciidamada ka jooga Dalka Somalia.
Kulanka Wasiirada ayaa waxaa Khudbad dheer ka jeediyay Wasiirka arimaha dibada dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier iyo Wasiirka difaaca wadankaasi Ursula von der Line, waxa ayna sheegen in lagama maarmaan ay tahay in wakhti dheer loogu daro ciidamadooda jooga somalia.
Sidoo kale, waxa ay axsaabta Baarlamaanka dalkaasi ka hor cadeeyen in muhiimad gaar ah ay leedahay in Somalia laga saacido sidii ay u soo ceshen lahayd xasiloonideeda inta aan la gaarin sanada 2016-ka oo lagu wado Somalia in ay ka dhacaan doorashooyin xur ah.
Howlgalkaan Tababarka waxaa hogaaminaya dalka Talyaaniga, waa 146 Askari ah oo ka kala socda 11 dal oo Yurub ah, waxaana ciidamadaasi ku jira ilaa 8 kasoo jeeda dalka Jarmalka, waxa ayna Saraakiisha ka hoos shaqeeyaan saraakiil ka socota dalka Talyaaniga.
Dhanka kale, Ciidamada iminka jarmalka ka jooga somalia, ayaa waxaa lagu wadaa in lagu soo biiriyo ilaa 20 kale oo kaalmeynaaya kuwa hadda jooga somalia
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]