28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Madaxweyne Sheekh Shariif walaakiis oo xalay Xamar lagu toogtay kaddib…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin la dhashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa xalay lagu dhaawacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cabdullaahi Sheekh Axmed, ayaa waxaa weerar ku qaaday koox hubeysan xilli uu sii galayey gurigiisa uu ku yaalla xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Dhibanaha ayaa la sheegay in kooxdii weerarka soo qaadday ay ku dhufteen illaa qiyaastii 5 xabadood, kadibna ay goobta ka carareen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdullaahi uu si darran dhaawac u gaaray, loolana cararay isbital ku yaalla magaalada oo ay maamulaan Turkiga.

“Waxay xabadaha ugu dhufteen si arxan darro ah, wayna carareen” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed oo ka mid ah dadkii meesha kusoo cararay kadib markii ay dableyda baxsatay.

Cabdullaahi ayaa la sheegay inuu ahaa ganacsade dhowaan kasoo laabtay dalka Koonfur Africa, oo uu muddo ku ganacsanayey.

Kooxda weerarka geysatay ayaa sidii caadada ahaydba baxsatay, hase yeeshee ciidamada ammaanka oo kadib soo gaaray goobta ayaa xir xiray dadkii shacabka ahaaa.

Wixii soo kordha kala soco Caasimada Online Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News