Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Djibouti iyo Ethiopa ayaa DF Somalia xiligaani ku cadaadinayaan inay aqoonsato Maamulka Awdal State oo ay ku mideysan yihiin Bulsho u hanqal taageysa Somaliweyn.
Danjirayaasha Jabouti iyo Ethiopia u fadhiya Magaalada Muqdisho oo garab Siyaasadeed ka helaaya Madaxweynayaashooda ayaa iminka wada qorsho ay DF Somalia ku abuureyso taabagalinta iyo dhidibo u aasida Maamulka Awdal oo laga damacsan yahay Siyaasado gaar ah, kadib markii labadaasi wadan ay sheegen inay ka go’an tahay taageerida DF iyo isku imaanshaha Somaliweyn.
Mas’uuliyiin ka tirsan DF ayaa iyaguna dhankooda ka xaqiijiyay in aqoonsiga Awdal State, ay dharbaaxo culus ku tahay Maamulka Somaliland oo dhawaan DF Somalia uga kacay shirka wadaxaajoodka.
Dhanka kale, waxaa isna socda Qorsho ay DF Somalia ku aqoonsaneyso Maamulka Khatumo, iyadoona Siyaasadaasi ay noqoneyso mid lagu carqaladeynaayo hamiga gooni isu taaga Maamulka Somaliland.
Aqoonsiga labadaasi maamul ayaa waxa ay abuureysaa Cadaawad hor leh oo dhexmarta DF iyo Maamulka Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

