Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo mudooyinkii dambe uu sii xumaanayay xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa waxaa soo baxaayo warar hoose oo sheegaya in Fowsiya ay Xassan ugu goodisay inay bixineyso Dukumiintiyo sir ah oo labadooda ka dhexeeyay.
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo iyadu laba wareeg loo diiday inay ka mid noqoto Xukuumadii kalsoonida ka waayay BF Somalia, ayaa waxa ay iminka Madaxweyne Xasan Sheekh ku cadaadineysaa inuu dhaqan galiyo Siyaasado iyada u gaar ah oo ay kamid yihiin Safaarado DF ay ku leedahay Mareykanka iyo UK.
Fowsiya oo iyadu garwaaqsan inay lumisay Fursadihii horyaalay, ayaa waxa ay iminka ku goodineysaa in QM iyo wadamada sida gaarka ah u daneeya Arrimaha Somalia ay hordhigi doonto Dukumiintiyo sir ah oo cadadkooda kor u dhaafayo ilaa 40, una badan dhaqaale laga soo qaaday wadamo Reer galbeedka ah oo aan gaarin Bankiga, taasi oo labadooda ka dhexeysay, sidoo kale Fiisooyin Yurub ah oo ay wada iibsadeen iyo Arrimo kale oo aan weli la carabaabin.
Dukumiintiyada ay ku goodineyso Fowsiya, ayaa la rumeysan yahay inay xili hore keydisay, balse Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uusan aheyn Mas’uul filanaayay arrintaani.
Siyaasadaani cusub ayaa filan waa ku noqotay Madaxweyne Xasan, waxaana suuragal ah inay saameyn adag ku yeelato waa haddii la hordhigo Beesha Caalamka.
Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa, iyadoo dhowr jeer oo hore dhaliilo kala duwan loo jeediyay DF Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Xubno isaga ku dhow dhow.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

