Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida, ayaa waxaa lagu xir xiray Magaalada Muqdisho. Intoodu badan waxaa xabsiga loo taxaabay habeenimadii xalay ahayd.
Saraakiishaan, ayaa waxaa lala xiriirinayaa weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee 22-kii bishii Janaayo ka dhacay albaabka hore ee S.Y.L Hotel, oo kaabiga ku haaya Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Ilo muhiim ah, ayaa sheegay in xilligii weerarkaasi uu dhacaayay ay Saraakiishaasi ku qorneyd shaqada, xilli laba cisho ka dib weerarkaasi uu Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
Saraakiisha xabsiga loo taxaabay, ayaa sideed xubnood waxay ka tirsan yihiin Saraakiisha Booliska, iyadoo saddex kalana ay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabad Suggida.
Saraakiisha la xiray, ayaa waxaa laga tilmaami karaa Korneyl Maxamed Warsame, oo ahaa Taliyihii qaybta Weliyow Cadde. Korneyl Maxamed Shiine, Taliyihii qaybta Bariga Muqdisho. Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle, Taliyihii hore ee Saldhiga Booliska Degmada Hodan iyo Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida Degmada Wardhiigley.
Ilo madax banaan oo aan weli la xaqiijin karin, ayaa sheegaya in General Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale), Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir uu ka mid yahay Saraakiisha lagu xiray Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo si adag kaga hadlay weerarka ka dhanka ah Hotelka S.Y.L, ayaa ku cago jugleeyay in si adag loo baari doono weerarkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

