Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somali, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu damacsan yahay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu ku sameyn doono xil ka qaadis.
Madaxweyne Xassan ayaa iminka faraha kula jiro Xil ka qaadistaasi waxaana lagu wadaa in Mungaab uu ku bedeli doono Eng Yariisow oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladihii KMG iyo tan iminka dalka ka arimisa.
Madaxweynaha ayaa ku howlan la tashiyo uu la sameynaayo Xildhibaano iyo Odayaal dhaqmeed oo uu ka iibinaayo shaqsiga uu xilkaasi u wado.
Kulamada uu la qaadanaayo Xassan Sheekh Odayaashasi ayaa ka dambeysay kadib markii Odayaasha iyo Xildhibaanada qaarkood ay ka biyo diideen in faragalin lagu sameeyo Maamulka Mungaab, inkastoo warar hoose ay sheegayaan inuu weli socdo wada hadalo uu ku qancinaayo Xildhibaanada iyo Odayaasha.
Warar kaasi khilaafsan oo aan heleyno, ayaa iyana sheegaya in Gudoomiye Mungaab lagu bedeli doono Mas’uul lagu magacaabo C/llahi Sheekh Xassan oo xubin firfircoon ka ah Ururka Dam-Jadiid ee iminka haya Hogaanka dalka.
C/llahi Sheekh Xassan, ayaa horay ugu taagnaa xilkaasi, waxa uuna tartan Siyaasadeed kula jiray Gudoomiyaha Gobolka Xasan Maxamed Xuseen Mungaab.
Madaxweyne Xassan ayaa iminka la filayaa in labadaani Mas’uul ee lagu kala magacaabo C/llahi Sheekh Xassan iyo Eng Yariisow uu midkood xusho, waxaana jiro warar sheegaya inuu damacsan yahay in uu kala qaado Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, Madaxtooyada Somalia ayaa laga dareemayaa Siyaasado muujinaayo in Labadaani Mas’uul ay u tartamayaan Gobolka Banaadir, mana cadda sida uu Xassan Sheekh u kala qancin doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

