28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

“Gabar dibada ka timi waa la afduubtay isir-naceyb ayaa ka socda magaalada”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waxgaradka iyo odayaasha ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa cabasho ka muujinaya dilal ay u geystaan ciidamada maamulka Jubba.

Waxgaradka ayaa sheegay in ciidamada maamulka Axmed Madoobe ay bartilmaameyd ka dhigteen mid kamid ah beelaha daga gobolka Jubbada Hoose ee ku sugan Kismaayo.

Qaar kamid ah waxgaradkaasi oo maanta saxaafada la hadlay ayaa maamulka Jubba ku eedeeyay iney xasuuq ka wadaan magaalada Kismaayo, kaasi oo beeshooda lagu bartilmaameydsanayo.

Xasuuq iyo dhac ayaa socda mid xeebta ayaa laga helay, maamulka isirnaceyb ayaa mesha ka socda, gabar dibada ka timidna wey afduubteen, haddana maamul baa la dhisayaa baa la leeyahay, yaa maamul loo dhisayaaaa” sidaasi waxaa sheegay mid kamid ah waxgaradkii hadlay.

Maamulka KMG ee Jubba ayaanan ka hadlin eedeymaha loo jeedinaya maamulkaasi waxaana muddo ka socday deegaanada maamulkaasi eedeymo loo jeedinayo maamulkaasi.

Marar badan waxaa sidoo kale meydad dad rayid laga soo helay xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News