26.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 16, 2025

XOG: Kulan dhexmaray Xasan Sheekh & Habar-Gidir oo fashil kusoo idlaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaaraya dhanka Madaxtooyada Somaalia, ayaa sheegaya in kulan dhexmaray Madaxweyne Xassan iyo Siyaasiyiin ka tirsa Beesha Habar-gidir uu kusoo idlaaday fashil.

Wararku waxa ay shegayaan in kulankaasi uu ahaa mid ay Beesha Habar-gidir Madaxweynaha uga daacwooneysay nus-qaan lagu sameeyay Xubnihii ay ku lahaan-jireen DF Somalia.

Siyaasiyiinta Beesha ayaa ku andocoonayey in Xubnaha ay ku dhex lahaayen Xafiisyada Xukuumada iyo Laamaha amaanka laga laaday, taasina ay tahay mid lagu masaxaayo Siyaasada Beesha.

Waxa ay Madaxweyne Xasan u sheegen inaysan ku calool fiyooben Xukuumada hada jirta Bacdamaa aysan ka dhex muuqan kaalintii ay ku lahaayen.

Madaxweyne Xasan oo taasi ka carooday ayaa waxa uu sheegay in DF Somalia ay dhaxtaal u tahay gabi ahaan beelaha Soomaaliyeed, islamarkaana aysan suuragal aheyn in laga dhigo gaari dhinac u raran.

Waxa uu Madaxweynaha sheegay in xubnaha beelaha ay xad leeyihiin, loona baahan yahay in Beesha Habar-Gidir ay ku sabarto xubnaha ay sanadkaani ka heleen DF.

Waxaa fikirkaasi kasoo horjeestay Siyaasiyiinta Beesha waxa ayna Madaxweynaha ku wargaliyeen inuu maankiisa ku hayo in Beeshu aysan kaafin tirada xubnood ay ka hayaan Dowlada.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa fadhiga ka kacay Siyaasiyiinta Beesha Habar-gidir u mataleesay fadhigaasi, waxa uuna kusoo idlaaday Fashil aan laga gaarin natiijadii laga filaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News