Wasaaradda arrimaha dibadda DFS oo laga soo sheegay arrin aan lagu farxin

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka tirsaan Howlwadeenada Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibada iyo dhiiragalinta DF Somalia Cabdisalaan Hadliye Cumar, ayaa ka cabanaayo faquuq ay kala kulmayaan Wasiirka iyo Agaasimaha Wasaarada.

Mid kamid ah Howlwadeenada oo arrintaasi inooga waramaayay ayaa sheegay in iyagoo dhowr qof ah laga eryay howlihii ay wasaarada ka hayeen.

Waxa uu sheegay in Wasiirka Cusub uu la imaaday rag kale, isllamarkaana uu shaqaalahaa Wasaarada u muujinaayo nin jecleysi.

Waxa uu DF Somalia ruuxaasi oo ku hadlaayay afka dhowr dhalinyaro ugu baaqay inay ka fiirsato shaqsiyaaad ku xeel dheer nin jecleysiga oo ay xilalka u dhiibaneyso, waxa uuna ku baaqay in la sameeyo gudiyo kormeera Xafiisyada si ay u ilaaliyaan xuquuqda dadka shaqooyinka laga laadayo.

Wasiir Hadliye iyo Agaasimaha ayuu ugu baaqay inay kala saran shaqooyinka qaranka iyo rag jecleysiga, isagoona taasi ku micneeyay tixgalin la’aanta shaqaalaha ka heysata dhanka DF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com