28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Xasan iyo Faarax C/qaadir oo isku dayaya in ay heshiis la gaaraan Jawaari + Qorshahooda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faarax C/qaadir ay wadaan qorshe ay heshiis kula galayaan baarlamanka Soomaaliya.

Sida dad xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, Faarax C/qaadir ayaa Madaxweyne Xassan kula taliyay inay mudan tahay inay heshiis gaar ah lagalaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Cusmaan Jawaari, waxa uuna soo hadal qaaday awooda uu Jawaari u leeyahay inuu carqaladeeyo isku dayga madaxweynaha ee ah inuu laba sano waqtiga ku korarsado.

Faarax ayaa Madaxweyne Xasan usoo jeediyay in Jawaari ay u adeegsadaan Siyaasad waliba oo ay ka leeyihiin Sanadkaani BF Somalia, isagoona carabka ku adkeeyay in Jawaari uu hirgelin karo in waqtiga loo kordhiyo dowladda.

Madaxweyne Xasan oo aad uga walaacsan cadaadiska ka heysata Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ka walaacsan in Jawaari uu ku shaqeynaayo amarada wakiilada Beesha Caalmaka u jooga Somalia.

Si kastaba, Faarax ayaa aaminsan in Jawaari iyo xildhibaanada baarlamanka ay ayagaba doonayaan waqti korarsi, sidaa darteedna haddii ay doodaan qorshaha dowladda in taas macnaheedu yahay in iyaguna uu waqtiga ka dhacayo.

Faarax C/qaadir ayaa iminka looga fadhiyaa inuu isku keeno Xasan iyo Jawaari iyo xildhibaanada si waqti 2 sano oo dheeri ah ay u hesho dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News