Hargeysa (Caasimada Online) – Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi ayaa shalay ka badbaaday daad qaaday xili safar ay ku wehliyeen Xaaskiisa iyo nin lagu magacaabo Jamaal Maxamed Warsame xili ay marayeen toga Dacar Buruq ee u dhaxeeya Berbera iyo Hargeysa.
Abwaan Hadraawi ayaa sheegay in uu aad u fiican yahay isla markaana Illaah uu ka badbaadiyay, ajashiisana ay dhineyd.
Wuxuu sheegay Abwaan Hadraawi in gaariga uu saarnaa uu la tegay daadka, iyagana si dirqi ah ay kaga badbaadeen oo dad shacab ah usoo gurmadeen.
HALKAN KA DAAWO
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

