Jowhar (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa ogaatay in wafdi ka tirsan dowlada Federaalka la qorsheynayo iney tagaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in wafdiga tagayo todobaadkaan magaalada Jowhar ay kamid yihiin wasiiro ka tirsan xukuumada CCC Sharma’arke iyo xildhibaano kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ujeedada wafdiga ayaa la sheegayaa iney tahay dardar gelinta dhismaha maamulka la doonayo in loo sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno sare oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay tagi doonaan magaalada Jowhar si ay u dhiiro geliyaan dhismaha maamulka gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.
Waxaa la filayaa in xubnaha tagaya magaaladaasi la doonayo in odayaasha iyo maamulka gobolka ay kala shiraan qaabka ugu haboon ee maamulkaasi loo dhiso doono.
Kadib ayaa la filayaa iney kulamo kale la qaataan odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeda Hiiraan iyo Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]