Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweynaha Maamulka Khatumo iyo Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi ayaa waxa uu iminka shirar xasaasi ah uga socdaa Magaalada Muqdisho.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in shirarkaasi ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan BF oo iyaguna kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Khatumo.
Ujeedka shirarka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid salka ku hayo wax kabedelka Siyaasadaha dabacsan ee Maamulka, iyadoona ay Mas’uuliyiintaasi isla soo hadal qaaden Aqoonsiga Maamulka, Amaanka Deegaanada Gobolka iyo in DF Somalia laga dhaadhiciyo sida ay uga qeybqaadan laheyd dhismaha Maamulkaasi.
Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Hotel Village ee Magaalada Muqdisho waxaana hor boodaayay Madaxweynaha Maamulka oo mudooyinkaani dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Kulamadaani ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Madaxweyne Cali Khaliif uu ka shanqariyay in Maamulkiisa uu balaarin doono Siyaasadiisa ku aadan ambaqaadka Hanaanka lagu hormarinaayo Aayaha Bulshada Deegaanada Maamulka ku nool.
Lama Oga natiijada kasoo bixi doonto kulamada xawaaraha ku socda ee u dhexeeya Madaxda Maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com