28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Shirka G/dhexe oo maanta Cadaado ka furmaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe, ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah ka furmo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Careys Maxamed Xaaji oo ah Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb , ayaa habeenimadii xalay warbaahinta u sheegay in shirka Maamul u Samaynta Gobolada Dhexe uu si toos ah u furi doono Madaxweyne Xassan iyo xubno ka tirsan DF Somalia.

Careys Maxamed Xaaji, ayaa iftiimiyay in maanta ay ku beegan tahay maalintii la qorsheeyay in Cadaado uu ka furmo shirka Maamul Goboleedka loogu samaynayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale wuxuu xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu bishii Febraayo iclaamiyay in Cadaado marti-gelin doonto shirkaasi.

Careys waxa sidoo kale uu sheegay in Magaalada Cadaado ay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah ergada shirka, islamarkaana ay u diyaarsan yihiin inay shirka ka qaybgalaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabnimadii shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxa uu u tagey, sidii Odayaasha Dhaqanka ee Magaaladaasi ku sugan, ay shirka kaga qaybgali lahaayen Cadaado.

Madaxweynaha waxa uu daneynayaa in Odayaasha Dhaqanka uu ka dhaadhiciyo inay taggaan Magaalada Cadaado, si halkaasi loogu qabto shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News