Cadaado (Caasimada Online) – Afhayeenka Maamulka Ximan & Xeeb Careys Maxamed Xaaji, ayaa daboolka ka qaaday in berrito uu Cadaado ka furmi doono shirka Maamul U Samaynta Gobolada Galgaduud iyo Mudug (Gobolada Dhexe).
Afhayeenka, ayaa tani ku macneeyay iyadoo maalinta berrito ay ku beegan tahay, xilligii loo balansanaa inuu Magaalada Cadaado ka bilowdo qorshaha Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe.
Waxa kaloo uu sheegay in ergo fara badan ay ku sugan tahay Magaalada Cadaado, diyaarna ay u yihiin ka qaybgalka shirka lagu balansan yahay in Maamul Goboleed loogu soo dhiso Gobolada Dhexe.
Careys Maxamed Xaaji oo u waramay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Ximan & Xeeb uu muddo dheer diyaar garow ugu soo jiray, sidii Cadaado loogu qaban lahaa shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe.
Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Ximan & Xeeb Cabdi Maxamed Suldaan Axmed Nuur, ayaa waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu yeeray in si deg deg ah uu kaga hadlo mowqifkiisa ku aadan Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe ee Magaalada Dhuusamareeb isugu tagey.
Odayaasha Dhaqanka ee shalay uu shirku ugu soo gaba gaboobay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa xalay si cad u diiday in shirka Maamulka Gobolada Dhexe lagu qabto Magaalada Cadaado.
Madaxweynaha Somaliya oo galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxa uu caawa shir kula lee yahay Odayaasha Dhaqanka.
Xaaladda shirka gobollada dhexe ayaa qasan, ayada oo beelaha Habar-Gidir dhexdooda ay isku hayaan goobta shirka, halka dowladda Somalia iyo Ethiopia ay sii qasayaan xaaladda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]