Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Afhayeenka shirkii dib u heshiisiinta ee degmada Dhuusamreeb Cabdiladhiif Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in weli ay jirto rajo ah in laga wada hadlo halka lagu qabanayo shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in Odayaasha ay qabaan aragtida ah in Dhuusamareeb lagu qabto, sababtuna waxa uu tilmaamay inay ku sheegeen amaanka meesha oo wanaagsan iyo shirka halkaasi kusoo gaba gaboobay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay in uu weli la taagan yahay codsigiisa ah in shirka lagu qabto degmada Cadaado, welina aan wada hadalka burburin oo rajooyin dib isugu laabasho ah ay jirto.
Afhayeen Warsame waxa uu tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku laaban doono degmada Dhuusamareeb, islamarkaana dib loo eegi doono wax walba oo la’isku hayo xilligaan.
“Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb waa isku mid, dad walaalo ah ayaa degan, dhibaato kale ma jirta, qolo walba aragtida ay qabto wey soo dhamaan doontaan, waayo waa isku hadaf, waana in Hal maamul loo dhan yahay la sameysto” ayuu yiri Afhayeenka.
Waxaa jirta culeys badan oo xilligaan ka taagan halka lagu qaban lahaa shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud iyadoo dowladda Federaalka ay qabto in degmada Cadaado shirka lagu qabto.
Halkaan hoose ka dhageyso
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]