27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Qarax ka dhacay Hotel-ka Makka Al-Mukarama

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxa uu goordhow ku qarxay Hotel Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa gaariga kadib ayaa waxaa dhacay Qarax Bam gacmeed, waxaana la tilmaamayaa in gudaha Hoteelka ay ku kala carareen Maleeshiyaad hubeysnaa oo goobta lagu sii diyaariyay.

Gudaha Hoteelka ayaa la sheegayaa inay ku jiraan Kooxihii weerarka qaaday, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

Goorta uu Qaraxa dhacayay ayaa waxaa Hoteelka ku jiray Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsanaa Labada Gole ee DF Somalia.

Lama xaqiijin ilaa iyo iminka heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha waxaana la rumeysan yahay in khasaaraha uu aad u badan yahay, iyadoona gaadiidka gurmadka laga mamnuucay inay sameeyan gurmad bacdamaa la xaqiijiyay in Hotelka ay ku jiraan Maleeshiyaadka weerarka qaaday.

La soco wararkeena dambe wixii kusoo kordha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News