Kismaayo (Caasimada Online) –Â Xildhibaannada gobollada Jubabbada Dhexe iyo Jubbada Hoose ee ka mid noqon doona baarlamanka Jubalnad ayaa lasoo dhameystirey inkastoo weli ay dhiman yihiin xildhibaannadii barlamanka kasoo geli lahaa gobolka Gedo. Beesha Sade ayaa shirka ka baxday, ayada oo ku eedeysay Axmed Madoobe in deegano beeshiisa aysan degin uu xildhibaano kasoo xushay.
Qaybsiga xildhibaannada waxaa lagu saleeyey deegaannada, saddexda gobol ee Jubaland ka kooban tahayna waxaa loo qaybiyey 15 degmo kuwaasoo midkiiba la siiyey afar xildhibaan marka laga reebo caasimadda Kismaayo oo iyadu yeelan doonta 9 xildhibaan.
Beelaha qaar ayaa saluugsan qaabka wax loo qaybiyey waxaana todobaadyadi u dambeeyey socdey dadaallo ku aaddan sidii loo qancin lahaa.
No  Degmada   Beesha         Tirada Â
1   Kismaayo   Gaal Jecel        2  Xildhibaan
2   Kismaayo   Harti Daarood     1  Xildhibaan
3   Kismaayo   Ogaadeen        1  Xildhibaan
4   Kismaayo   Shiikhaal         1  Xildhibaan
5   Kismaayo   Jareerweyne      1  Xildhibaan
6   Kismaayo   Dir              1  Xildhibaan
7   Kismaayo   Cowro maleh     1   Xildhibaan
8   Kismaayo   Mareexaan        1   Xildhibaan
9   Jamaame   Biyamaal        1   Xildhibaan
10   Jamaame   Jareerweyne     1   Xildhibaan
11  Jamaame   Gaaljecel        1   Xildhibaan
12  Jamaame   Dagoodiye       1   Xildhibaan
13  Badhaadhe  Baajuun        1   Xildhibaan
14  Badhaadhe  Ogaadeen      1   Xildhibaan
15  Badhaadhe  Gaaljecel       1   Xildhibaan
16  Badhaadhe  Shiikhaal       1   Xildhibaan
17  Saakow    Geeledle       1   Xildhibaan
18  Saakow   ,  Gaaljecel       1   Xildhibaan
19  Saakow   Macalin Weyn     1   Xildhibaan
20  Saakow   Cowlyahan       1   Xildhibaan
21  Bu’aale   Dabarre          1   Xildhibaan
22  Bu’aale   Cowlyahan       1   Xildhibaan
23  Bu’aale   Ajuuraan         1   Xildhibaan
24  Bu’aale   Gaal Jecel       1   Xildhibaan
25  Jilib     Ogadeen M Subeyr  1   Xildhibaan
26  Jilib    Jareer Weyne      1   Xildhibaan
27  Jilib    Shiikhaal          1   Xildhibaan
28  Jilib    Gaal Jecel         1   Xildhibaan
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com