“IGAD waxay nooga hiilisay AXMED MADOOBE anagana shirka waan ka baxnay” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Cabdullaahi Xuseen Cabdi oo ka mid ah odayaasha ka qeybgalaaya Shirka ka socda Magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose, ayaa sheegay in isaga iyo Odayaal kale ay isaga baxeen shirkaasi.

Nabadoonka oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in shirka uu yahay mid waqti lumis ah, islamarkaana ay arkeen arrimo farabadan oo laga gaabinaayo.

Waxa uu sheegay in shirka uu yahay mid u afduuban IGAD, taasina ay keentay in laga gacan maroojiyo deegaano ay kasoo jeedan.

Isaga oo ka hadlaayay sababta ayaa waxa uu yiri “Wax qeybsigii iyo nabadii aan meesha u tagnay, qolo IGAD la yiraahdo ayaa xuquuqdeena na duudsiiyay, wixii xaqa aan u lahaa ayaan weynay, degmooyin aan jirin ayaa la magacaabay, sidaa darteed ayaana uga soo baxnay shirka”

”IGAD oo aan moodnay inay dhex dhexaad tahay ayaa nooga eexatay Axmed Madoobe, sidaas awgeed munaasab nooma aha inaan kusii nagaano Hoolka shirka”

Dhanka kale, waxa uu Tilmaamay in Wakiilka IGAD Maxamed Cabdi Afeey uu faragalin ba’an ku hayo nidaamkii loo jideeyay inuu u dhaco shirka, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah ay DF Somalia wax uga qabato arrintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com