Dhageyso: Gaas oo sheegay sababta keenta in heshiisyada ay la galaan DFS aysan hir-gelin !!

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/walli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay sababaha keena in mar walbaa hishiisyo cusub ay la saxiixdaan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu u sababeeyay isbedelka inta badan ku dhaca ra’iisul wasaarayaasha Soomaaliya iney ka dambeyso dhaqan gelin la’aanta hishiisyada ay wada gaaraan maamulka Puntland iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale madaxweynaha Puntland ayaa maamulka gobolada dhexe ku tilmaamay inuu yahay mid aan buuxin sharuudaha la doonayo in lagu sameeyo maamul goboleed.

Wuxuu sheegay in maamulkaasi uusan aheyn maamul goboleed buuxa laakiin uu yahay mid ay sameysanayaan shacabka ku dhaqan gobolada dhexe ee dalka gaar ahaan koofurta Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com