Tom Evans oo sameystay mid ka mid ah gawaarida adduunka ugu yaabka badan

Gaarigaani waa mid ka mid ah gawaarida la qabsan karta taraafikada xoogan ee xilligaan ku mashquulsan jidadka ugu waa weyn.

Gaarigaan ayaa ah mid looga maadeyso waddooyinka uu maro,wuxuuna markiisii hore ahaa gaari ku shaqeeya koronto laakiin haatan wuxuu ku socdaa shidaal.

Milkiilaha gaarigaan Tom Evans, oo 69 sanno jir ah, ayaa awooday inuu gaarigaan saaro mid ka mid ah matoorada loogu isticmaalka badan yahay maadaama uu doonayey inuu wax badan ku socdo.

Wuxuu leeyahay wax kasta oo uu leeyahay gaari caadi ah wuxuuna xitaa u adeegsan karaa taksi ahaan. Mr Evans oo degan caasimadda Scotland ee Glasgow ayaa jeclaaday gaarigaan laba sanno ka hor taasoo keentay inuu naqshadeeyo isla markaana uu haatan ku socdo.Tom-Evans-in-his-bumper-car-570006