AXMED DAAHIR “Waxan heynaa kiisas la xiriira laaluush lagu bixiyo dadka ku xiran xabsiyada”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Shacabka Magaalada Muqdisho lagu eedeeyay bixinta laaluushka ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay jiraan xogo kasoo gaaraya dhanka Saldhigyada iyo Xarumaha DF Somalia kuwaasi oo inta badan Laaluush looga qaato dadka shacabka ee danta ka yeesha Xarumaha.

Dr Axmed oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in aysan badneen laaluush laga qaato shacabka, islamarkaana baaritaano ay sameeyeen ka dib ku ogaadeen eedeyn dad badan soo sheegeen in ay been noqoto.

Waxa uu tilmaamay in shacabka iyaga looga baahan yahay inay ka biya diidaan bixinta laaluushka waxa uuna ka digay in Ciidamada saldhigyada iyo shaqaalaha Dowlada lagu sii dhiira galiyo laaluushka.

Sidoo kale, waxa uu shacabka ka codsaday in Xafiisyada Amniga ay lasoo socodsiiyaan, hadii ay dhacdo in qof ka xiran lagu xujeeyo qarash ama wax la mid ah si cadaaladda loo mariyo ciddii falkaasi ku dhaqaaqda.

Geesta kale, waxa uu sheegay in qofka xafiiska fadhiya uu shacabka u shaqeynayo, islamarkaana laga taxadaro in shaqadiisa la’isku dayo lacag laaluush ah loogu daro.

Ma uusan cayimin xarumaha looga soo gudbiyay Dacwada, balse waxa uu si dadban u sheegau inay jiraan Xarumo dhowr ah oo looga soo gudbiyay dacwado baaritaan dheer kadibna ay beenowday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com